Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya oo Shalay ka hor hadlayay Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa sheegay in ay dhibaatooyin la kulmaan Shaqaalaha Golaha marka ay yimaadaan Mooshino ka dhan ah Guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya.
Waxa uu dalbaday Xildhibaan Jeesoow in isbedel lagu sameeyo qodobo ka mid ah Xeer hoosaadka oo ay ka mid yihiin in Masuulka Mooshin laga keenaa in uu san fariisan Karin Xafiiska wixii shaqa ahna uu sii wadayo Masuulka kale ku xiga kan Mooshinka laga keenay halka markii hore uu sheegay in uu bixin jiray awaamiirta shaqada sameyna ku yeelan karta shaqaalaha ka shaqeeya xafiiskaas.
Ugu dambeyntii Xildhibaan Jeesoow ayaa shaaciyay in shaqaale badan la handaday intii lagu guda jiray Mooshino badan oo laga keenay Gudoonka Golaha Shacabka taas oo sabab u noqotay in kuwa badan oo Shaqaalahaas ka mid ah dalka ay iskaga tageen.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Daahir Amiin Jeezow.