Shalay gelinkii dmabe ayuu maalmo kaidb dib ugu laabtay Magalada Dhuusamareeb Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf),waxaana uu ugu baaqay Shacabka Dhuusamareeb inay u diyaar garoobaan Shirweynaha Qaran ee ka dhacaya Magaaladaas.
Hayeeshee iyada oo taasi ay jirto ayaa waxaa xalay war-Saxaafadeed soo saaray Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa waxa uu ku sheegay in ay aqoonsan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay Sheekh Shaakir in markii uu arkay xaalada dalka ay laga maarmaan u noqotay in la badbaadiyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Waxa uu sheegay in uu soo dhaweynayo gogoshii uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaao ee ahaa inay Shir Wadatashi ah isugu yimaadaana Madaxda Dowlad Goboleedyada kaa soo ka dhacaya Magalada Muqdisho balse Dowlad Goboleedyada kale ay diideen.
Warqadaan xalay ka soo baxday Xafiiska Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug ayaa u muuqata mid abuurtay khilaaf Cuusb iyo khilaaf soo kala dhex galay Madaxweyne Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan.
Khilaafka u dhaxeeya Hoggaanka Galmudug ayaa sababay in Xildhibaanada Maamulkaas ay kala dagaan Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb,waxana Madaxweyne Xaaf uu ku sugnaa Dhuusamareeb balse haatan ay u muuqato in uu waayay taageeradii uu ku lahaa Magaaladaas.