Cabdirisaaq Cumar Maxamed Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Soomaaliya oo Wareysi siiyey Radio Dalsan ayaa waxa uu ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin amniga,Siyaasada iyo sida uu u arko dhismaha Ciidamada xaslinta Caasimadda ee ka howlgalla Muqdisho.
Wasiir C/rasaaq waxaa uu sheegay in waddooyin la xiro aan lagu keeni Karin Amniga Magaalada Muqdisho,loona baahanyahay qorshe lagula dagaalamayo Shabaabka weerarada Fulinaya,walina dowladda aysan la imaan qorshahaas,ciidamada Xasilinta oo aan u rooneyn shacabka ayuu sheegay inaan laga sugeyn amni xaqiijin maadaama ay dilal u geysteen dad maati ah oo aan waxba galabsan kadibna aysan jirin cid loo raacdo dhibka ay geystaan.
Isagoo kasii hadlaya arimaha Ciidamada xasilinta sharci ahaan ayuu sheegay inuusan jirin wax sharci ah oo ay ku dhisan yihiin Ciidankan islamarkaana jiritaankoodu uu xad-gudub ku yahay qodobo dastuuri ah,sharciyad ay ku shaqeeyaan illaa loo helana aysan waxba soo kordhineyn sida uu hadalka u dhigay.
Guddiga Amniga ee Baarlamaanka oo uu ka tirsan-yahay ayuu sheegay wasiir hore C/rasaaq Cumar Maxamed in arinta sharci ahaan shaha dhismaha Ciidamada xasilinta ay kala hadleen wasiirka amniga oo u sheegay guddiga in Ciidankan ay yihiin KMG balse hadda waqtigii wasiirku KMG-nimada uu ku sheegay la dhaafay ayna kula taliyeen in Ciidanka la sharciyeeyo walina ay dabagalayaan.
Dhinaca kale wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya C/rasaaq Cumar Maxamed Wareysiga uu siiyey Radio Dlasan waxaa uu ku sheegay in maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho ay qaraxyadu ka yaraadeen taasina aysan ku imaan waddooyin la xiray iyo ciidamo la keenay magaalada balse ay ku timid taliska Mareykanka ee ARFICOM oo kordhiyey duqeymaha dhinaca cirka ah ee talisku ka geysanayo saldhigyada Shabaabka,dowladda Soomaaliya ayuu sheegay inay ka faa’ideysan fursado u banaan oo ay kusii wiiqi-karto awoodda Al-shabaab.
Hadalka Wasiirkii hore ee Amniga ayaa imaanaya iyada oo dowladda Soomaaliya ay dhawr mar sheegtay in Ciidanka Xasilintu ay wax badan ka badaleen amniga Caasimadda muqdisho,waxaana ciidamadaas lagu eedeeyey inay tacaddiyo u geystaan dadka rayidka ah gaar ahaan wadayaasha Moota Bajaajta,dhinaca kalena wali waxaa xiran waddooyinka Muqdisho oo waxaa adag in si fudud la isaga kala goosho magaalada dhaxdeeda “
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Wasiir hore Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo dhameystiran.