(SAWIRO): Madaxweynaha Eritrea oo si diiran u soo dhaweeyey Ra’isul-wasaaraha Isbedel-doonka ee Ethiopia.

Ra’isul-wasaare Abiy Ahmed iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakayto ka degay Garoonka Diyaaradaha ee caasimadda dalka Eritrea ee Asmara.

Madaxweynaha dalka Eritrea, Issias Efowerki iyo mas’uul badan waxay Ra’isul-wasaaraha Ethiopia si diiran ugu soo dhaweeyeen Garoonka.

Telefishinka Dowladda Eritrea waxa uu baahiyey Labada Hoggaamiye oo Salaan Sharaf ka qaadanaya Ciiddanka Bandayda ee kku sugnaa Garoonka Asmara iyo Muuqaalka Diyaaradda Ethiopian Airlines ee uu Ra’isul-wasaare Abiy Ahmed la socday.

Labada Hoggaamiye waxaa soo dhaweeyey Haween ku labisnaa Dharka Hiddaha iyo Dhaqanka, kuwaasi oo ruxay Laamaha Geedka timirta, iyadoo Saraakiisha Dowladda Eritrea safaf dhaadheer u galeen soo-dhweynta Ra’isul-wasaraaha Ethiopia.

Soo-dhaweyntiisa waxaa ka soo qeyb galay Boqolaal qof, kuwaasi oo taagnaa hareeraha Waddooyinka, iyagoo ruxay Calanka Ethiopia iyo Sawirka Ra’isul-waasare Abiy Axmed.

Booqashadda u u Ra’isul-wasaaraha Ethiopia ku tegay Eritrea waxaa shalay xaqiijiyey Fitsum Arega oo ah Madaxa Shaqaalaha ee Xafiiska Ra’isul-wasaare Abiy Axmed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media