DHAGEYSO: Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u Diray Ciidanka Xoogga

Wasiirka cusub ee GaashaandhiggaC abdirashiid Cabdullaahi Maxamed, ayaa hambalyo ku-aadan 57-guuradii ka soo wareegatay aas-aaka ciidamada xoogga dalka Soomaaliya u diray ciidamada Millatariga.

Sanad kastaa marka la gaaro 12 April, ayaa loo dabaaldegaa munaasabada xuska ciidanka, waxaana xaflado lagu xusayo ciidanka lagu qabtaa gudaha dalka.

Wasiirka ayaa dhamaan ciidanka xooga ugu hambalyeeyey sanad guurada 57 aad ee ciidanka, waxaana uu sheegay in munaasabada sanadkan ay kusoo aaday iyadoo dowladdu ay dib-u-habeyn ku sameeynayso ciidamada xoogga.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media