Wada Hadalo Muqdisho uga Furmaya Galmudug iyo Ahlu Sunna

Waxaa maanta la filayaa in magaalada Muqdisho wada hadal toos ah uu uga bilaawdo maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljamaaca, waxaana garwadeen ka ah oo hor kaceysa wada hadlkaas dowladda dhexe ee federaalka.

Labada masuul maxamed Xaashi Carabey oo ah kusimaha madaxweynaha Galmudug iyo Sheikh Maxamed Shaakir oo ah Madaxweynaha gobolada dhexe ee Ahlu Sunna ayaa hogaamin doona wada hadalka labad dhinac, si loo xaliyo tabashada ay qabaan Ahlu Sunna oo khliaaf xooggan uu kala dhaxeeyey Galmudug.

Warar hoose ay Dalsan heshay ayaa ku waramaya in wadahadalado ay socon doonaan mudo Shan maalmood laga bilaabo maanta oo Arbaca ah 12-4-2017 ilaa Axada oo ay ku beegantahay 17-4-2017, iyadoo la filayo in heshiis ay ku gaaraan maamulada, si ay Ahlu sunna uga qeyb qaadato doorashada Galmudug oo dhaceysa 30-bishaan April.

Tan iyo markii uu is casilay Madaxweynihii Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa waxaa soo baxday fursad lagu mideyn karo labada maamul, waxaana socda dadaalo la doonayo in maamul labada dhinac u dhan yihiin la dhiso.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media