Wasaarada dhalinayarada iyo Cayaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in uu dib-udhac ku yimid Ciyaarihii Kubadda Cagta Maamul goboledyada iyo Gobolkan Banaadir.
Tartankan ayaa qorshuhu ahaa in uu Maanta ka furmo Magaalada kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose,waxaana Wasiirka dhalinyarada ay faah faahin ka bixisay sababta baaqashadaas.
Khadiijo Maxamed diiriye Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya ayaa sheegtay in War-Murtiyeedkii ay horay u soo saareen Madaxda dowlad Goboleedyada uu saameyn ku yeeshay tartankaas.
Waxa ay sheegtay in sababo aysan ku laheyn dhalinayarada Kubadda Cagta oo dhanka Siyaasada uu u baaqday tartankii Maanta furmi lahaa.
Hoos Ka Dhageyso Wasiir Khadiijo oo faah faahineysa.