Wasiirka cusub ee wasaaradda gaashaandhigga C/rashiid C/laahi Maxamed ayaa ku bogaadiyey ciidamada dowladda inay bilaabaan howlgal la’isugu furayo wadooyinka ay go’doomiyeen Alshabaab.
Wasiirka ayaa tilmaamay tallaabada ugu horeysa ee laga sugayo ciidamada xooga inay tahay sidii ay isugu furi lahaayeen wadooyinka go’doodsan, si Shabaab looga saaro meelaha ay go’doomiyeen, waxaana uu kula dardaarmay saraakiisha ciidamada inay xoojiyaan howlgalada ka dhanka ah Alshabaab.
Halkaan hoose ka dhageyso Codka.