Wiilkan yar ayaa Xalay waxa uu 8:00 Habeenimo Waraabaha ka qaatay Gurigiisa oo ku yaalla tuulo lagu Magacaabo Ceel-dhaab oo ah baadiyaha Magalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.
Mid ka mid ah ehelada Wiilkaas Waraabaha uu qaatay ayaa sheegay in xilliga la qaadanayay ay ahaayeen Saddex Ruux laba yar yar iyo qof weyn,balse Waraabuhu uu wiilka yar labadii kale kala dhex baxay.
Waxa uu sheegay in mudo daqiiqado ah la eryanayey Waraabaha si looga reebo Cunuga,waxana ugu dambeyn suurtagashay in laga dhigo isaga oo aad tacbaan u ah,isla markaana lagu dabiibayo Isbitaal ku yaalla Magalada Burco.
“Xaaladiisa aad ayay u liidataa,subaxdii ayaa la keenay isbitaalka mudo ayuu koomo ku jiray oo uu suuxsanaa balse hadda wuu soo yara toosay oo wuu wanagsan yahay ayuu yiri mid ka mid ah Dhaqaatiirta Isbitaalka Magalada Burco.
Deegaanada Soomaaliland ayaa mararka qaar waxaa Carruur uu ku cunaa Xayawaanka loo yaqaano Warbaaha,iyada oo dhowr mar ay ka dhacday baadiyaha Magalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.