Dhageyso:-Wasiir Beyle oo faahfaahiyay guullo DFS kasoo gaartay shirarkii Addis Ababa

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta ka hadlay habsami usocodka shaqada Wasaaradda Maaliyadda Dalka.

Wasiir Beyle oo warbaahinta Shir Jaraa’id ugu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyay shirarkii ugu dambeeyay ee Magaalada Addis Ababa kula soo qaatay Masuuliyiinta IMF, Bangiga Aduunka iyo wakiilada Beesha Caalamka.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in guul muhiim dowladda ay ka soo gaartay Wajigii hore ee dib-u-eegista hanaanka 4aad ee Deyn cafinta Soomaaliya (SMP4).

Wasiirka Maaliyadda Soomaliya ayaa soo dhaweeyay warbixintii ay soo saartay hey’adda lacacgta adduunka oo ay ku sheegtay in Soomaaliya ay dhameystirtay qeybta koowaad wajiga afaraad ee deyn cafinta.

“Guusha iyo Horumarka waxaa u fure ah midnimada, wadajirka iyo in aan wax wada qabsano, taas ayaan baraare iyo wanaag ku gaari karnaa”ayuu yiri C/raxmaan Ducaale Beyle.  

 

Hoos ka Dhageyso Codka Wasiir Beyle.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media