Sawirro:-Shirweynaha xeer ilaalinta dalka oo ka furmay Magaalada Baydhabo

Magaalada Baydhabo  ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa ka furmay Shirweynaha Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Xeer ilaaliyaasha dowlad Goboleedyada dalka  sida Jubbaland,Hirshabeelle,Puntland,Galmudug iyo Koonfur Galbeed,kaasi oo socon doona Muddo Seddax maalmood.

Shirkaan ayaa inta uu socdo waxaa looga hadli doonaa hadli doonaa habka xeer ilaalinta guud ahaan Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa  wadshaqeynta iyo Iskaashiga xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed.

Sidoo kale inta uu shirka socda ayaa waxaa ka qeyb galay Guddomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Baashe Yuusuf Axmed iyo Xeer Ilaaliyah Guud ee qaranka Dr.Axmed Cali Daahir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media