Beesha caalamka ayaa soo saartay bayaan ay kusoo dhawaynayo sida ay u dhacday doorashadii madaxtinimada ee shalay ka dhacday Puntland.
โSaaxiibada Soomaaliya ee caalamiga ah waxay soo dhaweynayaan gabagabada doorashada madaxtinimada Puntland ee 8-da Janaayo 2024. Waxaan ku ammaaneynaa shacabka Dowlad-goboleedkan Xubinta ka ah Dawladda Federaalka ee Puntland sida sida nabdoon ee ay u aqbsoontay doorashaduโ ayuu u qornaa bayaanku.
Qoraalka bayaanka oo sii socda ayaa lagu yiri: โWaxaan ku bogaadinaynaa dadaalka dhammaan daneeyayaasha siyaasadda iyo doorashada si loo xaqiijiyo hannaan nabadeed laguna dhiirigeliyo dhammaan dhinacyadu in ay ilaashadaan jawi nabdoon. Khilaaf kasta oo la xiriira doorashada waa in lagu xalliyaa si nabad ah iyadoo loo marayo habab sharci oo ku habboonโ.
Bayaanka oo lasoo dhigay barta internet-ka ee UNSOM ayaa lagu xusay ururro iyo dalal badan oo ka qayb ah bayaankan wadajirka ah, sidan ayuuna u dhignaa.