Dagaal bilaawday Saakay aroortii hore ayaa ka dhacay deegaanka Haanta-Dheer oo ka tirsan degmada Deeyniile ee Gobolkaan Banaadir.
Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta iyo kuwo ka tirsan Meleteriga Soomaaliya oo deegaanka Haanta-Dheer fariisin ku leh, waxaana la sheegay in ciidamadaas ay diideen in ay halkaasi ka guuraan kadib markii lgu amray.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkaas kaas oo isgu jira labada dhinac ee daagalamay iyo dad rayid ah,waxana la sheegay in ay ku geeriyoodeen ilaa Saddex qof oo mid ka mid ah ay haweeney tahay.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada xasilinta oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan dagaalkaas, waxaana wararkii u dambeeyay ay sheegayaan in weli rasaas Goos goos ah laga maqlayo halkii lagu dagaalamay ee Haanta-Dheer.
Wariyaheena Maxamed Cabdullaahi Baxnaaniye oo ku sugan meel aan ka fogeyn Goobta uu dagaalka ka dhacay ayaa ka hadlaya wararkii u dambeeyay ee dagaalka.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Wariye Maxamed Cabdullaahi Baxnaniye.