Maanta ayaa la filayaa in Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Maamulkaas oo ay u sharaxan yihiin ilaa 8 Musharax.
Wufuud ka socota dowladda Soomaaliya oo isugu jiro qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Xubno metelaya Beesha Caalamka ayaa ku sugan jowhar kuwaas oo dusha kala socon doona qaabka ay u dhaceysa doorashada.
Ammaanka Guud ee Magaalada Jowhar ayaa Maanta aad loo adkeeyay, waxaana haatan socota diyaar garoowgii u dambeeyay ee ku aadan doorashada, iyada oo sugida amniga ay ka qeyb qaadanayaan Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom.
Waxaa jira musharixiin qaarkood loo saadaalinayo in ay ku guuleysan karaan doorashada Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle iyada oo doorashadaan ay ka duwan tahay tii uu ku soo baxay Cali Cabdullahi Cosoble oo ay isasoo sharaxeyn kaliya Saddex musharax halka doorashada Maanta ay sharaxan yihiin ilaa 8 Musharax oo kala ah.
musharixiinta Manta tartami doona ayaa waxa ay kala yihiin.
1:-Maxamed Caruushe Diirow
2:- Daahir Cabdulle Cawaale
3:-Cabdi Faarax laqanyo
4:-Cabdi Kariin Cali Nuur
5:-Cabdi Naasir Xaaji Shurwac Maxamuud
6:- Cabdi Raxmaan Xuseen Caddow
7:-Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf-dabageed)
8:- Maxamed Cabdi Waare