Thaabit Cabdi Maxamed Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Maanta Magaalada Cadaado uga qeybgalay Caleemo-Saarka Madaxweynaha Galmudug ayaa marka hore Hambalyo u diray Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Geelle Ducaale(Xaaf).
Mudane Thaabit ayaa sheegay  in Galmudug ay tahay in mudan mid lagu daydo islamarkaana isagu uu ka soo jeedo deegaan ahaan loona baahan yahay in lagu taageero horumarka ay iminka hiigsaneyso Galmudug.
Sidoo kale waxa uu ugu baaqay in Madaxda Galmudug iyo Shacabkeeda ay noqdaan kuwo horseed u noqda Nabada deegaanada Maamulka Galmudug.
Ugu dambeen waxa uu sheegay in Galmudug ay tahay Hooyadii federaalka islamarkaana lagu doortay xildhibaanadii ugu horeeyay ee Aqalka Sare kamid noqda.
Hoos Ka Dhageyso Khudbada Gudoomiyaha