Dhageyso:-“Xaaf’Hanagala Caawiyo la dagaalanka Al-Shabaab iyo Burcad Baddeeda

Axmed Geelle Ducaale(Xaaf) Madaxweynaha Cusub ee maamulka Galmudug oo Maanta lagu Caleemo-Saaray Magaalad Cadaado ayaa Munaasabadii Caleemo-Saarka ka jeediyay Khudbad dhinacyo badan taabaneysa.

Waxa uu ka hadlay dhinacyada amniga,wax ka qabashada Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidoo kale Burcad Baddeeda Somaalida oo marar badan Xeebaha Gobolka Mudug Maraakiib ka afduubtay.

Madaxweyne Xaaf,ayaa sheegay in Maamulkiisu uu u diyaarsan yahay dib u heshisiin uu la galo Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Wal-Jamaaca oo deegaano badan Gacanta ku haya,islamarkaana sidoo kale uu diirada saari doono arimaha dagaal beeleedyada.

Khudbadiisa ayaa waxa uu sidoo kale ku sheegay in dalka hindiya ay ku xiran yihiin dhalinyaro badan oo Somaaliyeed dowladdana looga baahan yahay in ay Gacan ka geysato sidii loosiideyn lahaa islamarkaan isaga uu bixin doono Diyaaradii Somaaliya keeni laheyd.

Hoos Ka Dhageyso Khudbada Madaxweyne Xaaf.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media