Cabduweli Jaamac Xuseen (Gorod) taliyaha Cusub ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in taliska xoogga dalka  ay la wareegi doonaan amniga dalka markii ay baxaan ciidamada AMISOM.
Hadalkaan ayuu sheegay xili uu kulan la qaatay taliyaha Ciidamada AMISOM Soomaaliya Cismaan Nuur Subagle iyo Saraakiil kale,isaga oo kala hadlayay sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen amniga dalka markii ay MISOM baxdo.
Taliye Gorod ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin Sugida amniga dalka AMISOM dhankeedana laga doonayo in ay Gacan ka siiso tayeynta Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.
Waa kulankii labaad ee Bishaan gudaheeda uu la qaato Saraakiisha ciidamada AMISOM taliyaha Ciidamada xoogg dalka kadib Magacaabistiisii.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliye Gorod