Madaxweynaha oo haatan booqasho ku jooga dalka Ethiopia, waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu Shir Jaraa’id ku qabtay Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Addis Abeba.
“Cabsidan ma aha mid u gaar ah Somalia, balse waxay xitaa saamaynaysaa dalalka deriska†ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Mar uu ka hadlayey ujeedada Socdaalka uu ku tegay Ethiopia, waxa uu carrabka ku dhuftay inay tahay si uu Dowladda Ethiopia uga codsado Taageero iyo inay u midoobaan La-dagaalanka Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.
Kumanaan Askar Ethiopian ah ayaa ku sugan gudaha Somalia, kuwaasi oo aan badankooda qeyb ka ahayn Hawlgalka AMISOM, waxayna Saldhigyo ku leeyihiin Goballadda Bay, Bakool iyo qeybo ka tirsan Goballadda Dhexe.