Janeraal Daahir Aadan Cilmi(Indha-Qarshe) Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa ka hadlay tuutaha Ciidanka dowladda oo mararka qaar la arko dad ka Ganacsanaya.
Waxa uu sheegay inay arrintaasi jirto,isla markaana ay ogyihiin,Nabadsugida,Wasaaradda Ganacsiga iyo cid walba si sharcidaro ahna lagu soo geliyo dalka.
Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in Ciidamada xoogga dalka ay leeyihiin darees u gaara ah oo Calanka uu dhinac kaga dhegan yahay balse ay ka hortegi doonaan dadka ka Ganacsanaya Dharka ciidanka.
Si kastaba marka laga soo tago hadalka taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa waxaa jirta n dhowr mar rag ku labisnaa dareeska ciidanka dowladda ay qaraxyo iyo weeraro toos ah ka fuliyeen Magalada Muqdisho.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Ciidanka xoogga dalka.