Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in duleedka degmada Afgooye gaar ahaan deegaan lagu Magacaabo Sagaalaadka lagu dilay Maanta Nin hubeysnaa.
Dilka ayaa Goobjoogayaal waxa ay sheegeen inuu yimid kadib markii Nin hubeysan uu u yimid koox dhalinyaro ah oo Ciyaareysay turub,isla markaana uu ku yiri joojiya ayna ka diideen.
Hayeeshee muran dheer kadib uu ula soo baxay Bustoolad uu watay,taasina ay keentay inay la-dagaalamaan,isla markaana bustooladii uu watay ay ku dilaan.
Kooxdii dhalinyarada aheyd ee dilka geystay ayaa goobta ka cararay,waxana dad ku sugan deegaanka Sagaalaad ee duleedka Afgooye ay sheegeen in uu ka mid ahaa dadka deegaanka laguna Magacaabi jiray Axmed Nageeye balse uu ka tirsanaa Al-Shabaab.
Maamulka degmada Afgooye weli kama hadlin dhacdadaas oo aheyd midii ugu horeysay ee ka dhacda deegaanka Sagaaladka ee duleedka Afgooye.