Taliyaha ciidanka Badda ee Soomaaliya Admiraal guuto Cabaas Amiin Cali oo maanta shir jiraa’iid u qabtay suxufiyiinta ayaa ka hadlay warar sheegayay in ciidamo ka tirsa dowladda Dooni kula degtay Xeebta degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Taliyaha ayaa sheegay in ay jiraan ciidamo ka tirsan dowladda oo si joogta ah ugu safra Doomaha ciidanka Badda oo uu tilmaamay in ay si joogta ah u shaqeeyaan isaga oo cadeeyay in si khaldan loo baahiyay warka la xiriira ciidamo doon kula ciladoowday Xeebaha Cadale.
Waxa uu qiray in ciladi ku timid Doontaas ay ku safrayeen ciidamda hase’ahaatee markii ay soo dhaqaaqday in cilad xagga Matoorka ah ay ku timid markiina la sameeyay isaga oo dacaayad iyo been abuur ku tilmaamay in ciidamadu ay halis galeen lana soo badbaadiyay sida uu hadlka u dhigay.
Warbaahinta ayuu tilmaamay in warkaas ay aad u buun-buuniyeen si khaldana ay u tebiyeen sida uu hadalka u dhigay maalmaha soo socdana ay soo gaari doonaan magaalada Muqdisho ciidamdaas.
Dhinaca kalana waxa uu sheegay in aysan sidin hub isla markaana ay kusii jeedday magaalo Xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug,isaga oo meesha ka saaray in ay hub sidday bedelkeedase waxa uu cadeeyay in ay Raashin u wadday Ciidamo joogay halkaas.
Halkan Ka Dhageyso Codka Taliyaha