Naadiga Banaadir Sports Clup ayaa markii ugu horeysay Soomaaliya u mutelaya tartanka Kubadda Miiska (Table Tennis)Â kaas oo ka socda Magaalada Beyruud ee dalka Lubnaan.
Tartankan oo ah Horyaalka Wadamada Jaamacadda Carabta ayaa waxaa Soomaaliya ay Ciyaartay laba kulan oo labadaba laga badiyay.
Gudoomiyaha Naadiga Banadir Sports Clup Abuukar Maxamed Sheekh oo ku sugan dalka Lubnaan Wareysi kooban uu siiyay Dalsan waxa uu ku sheegay in ay horay u wada Ciyaareen Kooxo ka kala socday  Wadamada Aljeeriya iyo Lubnaan.
Waxa uu sheegay in ay rajo ka qabaan in labada Ciyaar oo ay Maanta la Ciyaari doonaan Wadamada Yaman  iyo Suudaan in ay guulo ka soo hooyaan.
Soomaaliya ayaa tartankaan waxa uu u yahay midkii ugu horeysay ee Heer Caalami ah oo ay ka qeyb gasho,waxaana uu noqonayaa Guul u soo hoyatay Shacabka Soomaaliyeed.
Qoraa Cabduqaadir Jakaarta
Hoos Ka Dhageyso Codka kana Daawo Sawirrada