Radio Dalsan ayaa ogaaday in Muwaadiniinta Maraykanka ee ka shaqeyn jirtey gudaha Muqdisho oo ay ku jiraan dhowr Somali-Maraykan inay ka ambabaxeen Somalia, kadib, markii uu Hawlgalka Maraykanka ee Somalia soo saareen Digniin dhinaca Socdaalka ah.
Saraakiisha ka hawl-gasha Garoonka Caalamiga ee Aadan Cadde ayaa u xaqiijiyey Radio Dalsan in tiro badan  oo haysta Dhalashadda Mareykanka ay maalmihii Isniinta iyo Talaadada u dhoofeen magaalladda Nairobi, iyadoo raacay Diyaaradaha u kireysan Hay’addaha  QM iyo kuwa kale ee Rakaabka.
Ambabaxa dadka haysta Dhalashada Maraykanka ayaa timid, kadib, markii Hawlgalka Maraykanka ee Somalia ay maalintii Sabtida ee la soo dhaafay ka digeen Khataro Cabsi aan la shaacinin oo ku soo fool leh Muwaadiniintooda ku nool magaalladda Muqdisho.
Si kastaba ha ahaatee, Somalia waxaa ku nool, kana shaqeysta tiro aan la xaqjiinin oo Muwaadiniin Maraykan ah, kuwaasi waxaa ka mid ah Madaxweyne Farmaajo, Wasiira, Ganacsato, Dhakhaatiir iyo kuwo u shaqeeya Hay’addaha Calaamiga ee fadhigoodu yahay Xeradda Xalane.