Maalmihii la soo dhaafay waxaa sii kordhay dilalka ay Burcad koonfur Afrikanka ah u geysanayaan Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.
Shalay gelinkii dambe ayaa ugu dambeysay in gudaha dalkaas gaar ahaan Magaalada Ceptown lagu dilay Mid ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Axmed Colaad Cali,dilkaas oo ay walwal ka muujiyeen Ganacsatada Soomaaliyed ee  nool dalkaas.
Mid ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika oo wareysi siiyay Radio Dalsan ayaa ku eedeeyay madaxda Safaarada Soomaalida ee dalkaasi koonfur Afrika in dadka Soomaaliyed ee marwalba lagu dhibaateeyo dalkaas aysan ka hadlin.
Waxa uu sheegay in Madaxda Safaaradaas aysan aheyn kuwo xiriir la leh Madaxda Koonfur Afrika balse ay yihiin kuwo Magac u yaal ah sida uu hadalka u dhigay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Ganacsadaha.