Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

Wararka aan ka heleyno degmada Sagag ee dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ay sheegayaan in duhurnimadii Maanta halkaas uu ka dhacay qaraxa khasaaro geystay oo jugtiisa la maqlay.

Qaraxaas oo ahaa miino dhulka ku aasneyd ayaa waxaa ay qabsatay gaari ay leedahay Shirkad ka shaqeysa dhismaha waddooyinka, waxaana ku dhaawacmay 4 ruux oo wadada marayay, sida lagu soo warramay.

Dad shacab ah oo goobta uu qaraxu ka dhacay ka agdhawaa ayaa tegay halkaas, isla markaana gurmad u sameeyay dadkii waxyeelada kasoo gaartay qaraxaas ka dhacay degmada Sagag ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Sawirro laga soo qaaday goobta lagu faafiyay baraha Bulshada ayaa muujinayay in qaraxu uu ahaa mid xoog leh, isla markaana waxaa gebi ahaan burburay gaariga uu qaraxu haleelay oo noociisu ahaa Qooqan.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo ay uga hadlayaan qaraxaas khasaaraha dhaliyey ee Maanta ka dhacay degmada Sagag.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor