Shalay ayay aheyd markii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu sheegay in ay dib u bilaabanayaan wadahadaladii Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland waxaana Arrintaasi ka hadlay Shacabka Magaalada Hargeysa.
Qaar ka mid ah Shacabka Hargeysa oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay soo dhaweynayaan wadahadaladaas u dhaxeeya Soomaaliland Iyo dalka Soomaaliya.
Sidoo kale kuwa kale iyana waxa ay sheegeen in aan la Wada hadli karin maadaama ay ka Go’een Soomaaliya inteeda kale.
Dalalka Turkiga iyo Jabuuti ayaay horay uga Wadahadleen masuuliyiin kala matalayay Dalka Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland kuwaas oo aan waxba ka soo bixin.
Hoos Ka Dhageyso Codka Shacabka Hargeysa.