Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa Maanta waxaa uu ka hadlay Xaalada dalka gaar ahaan amniga Magaalada Mqudisho oo uu sheegya in uu hoos u dhacay.
Sheekh Shariif oo ka hadlaayay Xaflada lagu daah-furayay Xisbiga Himilo Qaran ee uu isag hogaamiyaha ka yahay ayaa waxaa uu sheegay xaalada dalka Soomaaliya haatan uu ku jiran aan la aamusi kari,isla markaana loo baahan yahay in laga hadlay,isagoona ka hadlay arrimo kala duwan oo ku aadan dalka iyo dowladda federaalka.
Waxaa uu sheegay Sheekh Shariif in dowladda loo baahan yahay inay wax ka qabato dhan ah amniga dalka,maadaama uu hoos u dhacay,waxaana uu ugu baaqay dowladda inay si deg deg ah wax uga qabato arrimahaas.
Isaga oo sii hadlaayay ayuu sheegay in uu diyaar u yahay in dowladda uu la xoojiyo sidii dib loogu soo celin lahaa wada-hadaladii u dhexeeyay DFS iyo maamul-goboleedyada dalka jira.
Dhianac kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in Magaalada Garoowe uu kula kulmay Xasan Sheekh,isagona oo weeydiiyay arrin lagu eedeeyay oo aheyd in uu dowladda uu ridaayo,isagoona ku yiri hadalkaas wax ka jira ma lahan.
Intaas kadib ayuu u tegya Madaxweyne Farmaajo waxaana uu u geeyay Xasan Sheekh,isla markaana labada mas’uul ay ku ballameen inay isla kulmi doonaan,hayeeshee aysan weli wax kulan ah dhexmarin.
“Dowladda Waxaan diyaar ula nahay inaan la xoojinno wada-hadaladii maamul-goboleedyada iyo DF,Midda kale Garoowe markaan Joognay Xasan Sheekh baan ku iri dowladda ayaad rideysaa baa la leeyahay,waan weydiiyey,Farmaajo ayaan u tagay anoo gacanta kawada waxaana ku iri Madaxweyne Xasan Sheekh waxa laga sheegayo waa been,way ballameen illaa haddana laysma arag”ayuu yiri Sheekh Shariif.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya gaar ahaan Hoolka Sahal ee ku yaalla agagaarka Isgoyska KM4 ayaa Maanta waxaa lagu qabtay Xaflad lagu daahfuraayay Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Soomaaliya.