Shiinaha oo ballan qaaday Dhaqale lagu qalabaynayo Xarunta Dhexe ee Wakaalladda Wararka Soomaaliyeed SONNA

Danjiraha Dowladda Shiinaha u jooga Somalia, Qiin Jiyaan ayaa ballan-qaaday inay Wakaalladda SONNA ku taageeri doonaan dhaqaale dhan 22,600 oo Dollar, si loogu casriyeeyo Hawlgalladda Xafiika Dhexe ee SONNA ee magaalladda Muqdisho.

Danjiraha oo Wareysi siiyey Wakaalladda Wararka dalka Shiinaha ee XINHUA waxa uu tilmaamay inay deeqdaasi qeyb ka tahay Taageeradda ay Dowladda Shiinaha siiyaan Somalia.

Waxa uu ku ammaanay Kaalinta Wakaalladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA doorka mihiimka ah ee ay ka qaadanayso dhiiri-gelinta Xiriiraadda u dhexeeya Labada Waddan ee Somalia iyo Shiinaha.

“Waxaan hore u fududeynayey Wafdigii Warbaahinta ee ka socday dalkiina quruxda badan ee booqatay Shiinaha sannadkan” ayuu yiri Danjire Qiin Jiyaan, wuxuuna intaasi ku daray inay Dowladda Shiinaha taageerayso dadaalka Nabadda iyo Dib-u-heshiisiinta Somalia.

Dhinaca kale, Agaasimaha Wakaalladda SONNA, C/llaahi Sheekh C/raxmaan oo la hadlay Wakaalladda Wararka XINHUA waxa uu sheegay in Taageeradda Maaliyadeed ee Safaaradda Shiinaha lagu soo iibin doono Qalabka Xafiisyadda, sida Kaamerooyinka iyo Kombiyuutarada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor