Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre  oo ka hadlayay dhameystirka dastuurka dalka ayaa sheegay in Dastuurka oo dhameystiran laga doonayo in looga tago Jiilka hadda soo koraayo oo u ula jeedo dhalinayarada Soomaaliyeed.
Waxa uu sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay dhameystirka Dastuurka dalka ku bixin doonto lacag dhan 3 Milyan oo Dollar balse uu shuruud ku xiray.
“Xukuumaddu waxa ay biixn doontaa lacag dhan 3 milyan oo Dollar si Dastuurka loo dhameystiro balse waa in Maskax soomaaliyeed,talo Soomaaliyeed,Midnimo iyo Dhaqaalo Soomaaliyeed uu noqdo mid Dastuurka dalka lagu dhameystiro ayuu yiri RW Kheyre.
Hadalka Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa kusoo aadaya xilli Maalintii labaad uu Muqdisho ka socdo Shirweynaha Qaran ee dib u eegsita Dastuurka dalka.
Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.