Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Aduunyada xilligaan Madaxda Soomaaliyed ay ula dhaqanto si ka duwan sidii hore,isla markaana meel kasto oo ay tagaan lagu xushmeeyo Shaqadooda.
Waxa uu sheegay in madaxda dalka hadda maamusha go’aanka ay Shacabka ku maamulayaan aysan aheyn kuwo loo yeeriyo.
“Aduunyadu waxa ay noola dhaqantaa si ka duwan sidii hore,meel kasto aan tagno waanaala ciseeyaa oo waxaa naloo ciseeyaa in aan aheyn dowlad wax loo yeeriyo,noolama yeeriyo go’aanada aan Ummadda Soomaaliyed ku maamuleyno ee anaga aa go’aansano ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Hadalka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli madaxda Soomaalida lagu eedeeyo in ay ku Shaqeeyaan awaamiirta dowladdo shisheeye kuwaas oo xilliga doorashadooda dhaqaalo iyo waqti badan geliya.
Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaaraha.