Dhageyso:-Midowga Yurub oo Saldhig Ciidan ka dhisaya Jowhar+Sawirro

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Kulan Magaalada Jowhar ee xarunta Dowladda Hirshabelle kula qaatay Wafdi sare oo ka socda Midowga Yurub, kuwaasi oo maanta soo gaaray Magaalada, waxaana ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira Horumarinta Iyo Taageerada ay ugu baahantahay Midowga Yurub.

Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle waxaa Maanta kulan ku yeeshay Madaxweynaha Maamulka hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo qaatay Wafdi sare oo ka socda Midowga Yurub.

Madaxweyne Waare ayaa wafdiga warbixin ka siiyay Wafdiga dadaalada ay ku doonayaan Xaqiijinta ammaanka iyo bilowga Dhismaha Ciidanka Boiiska Hirshabelle oo dhismihiisa ay ka qeyb qaadanayaan Midowga Yurub,waxa uuna ka dalbaday in ay  dardargalinta dhismaha iyo horumarinta ciidanka la ballaariyo.

Markii uu soo dhamaaday kulankaas ayaa waxaa Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare Iyo Madaxa Wafdiga Midowga Yurub Patrick waxa ay dhagax dhigeen dhigay Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliiska Hir-shabelle ee Magaalada Jowhar kaasi oo lagu tababari doono Ciidamo uu yeesho Maamulka Hir-shabelle.

Madaxa Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa sheegay in uu  ku faraxsanyahay in uu yimaado Magaalada Jowhar islamarkaana la kulmo MadaxdaHirshabelle,isaga oo sheegay in uu siweyn uga qeyb qaadan doono dhismaha iyo tayenta ciidamada dowlad goboleedka Hir-Shabeelle.

Hoos Ka Dhageyso Warbixinta Warkaan oo uu Jowhar ka soo diray Wariyaheena Xasan Cabdullaahi kana Daawo Sawirrada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media