Sawirro:-Wasiirka Gaashaandhigga oo tababar u soo xiray Ciidamo sigaar ah loo tababaray

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan iyo Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal C/llaahi Cali Caanood ayaa cutubyo ka tirsan Ciidamada DANAB ee Xoogga dalka tababar mudo hal sano u socday ugu soo xiray Dugsiga Tababarka Generaal Dhega-badan ee magaalada Muqdisho.

Gaadi ciyaar iyo dhuulatus Ciidanka oo ku aadan Tababarka ay qaateen ayay ku Goobta ku soo bandhigeen Ciidamada, Waxaana Tababarkaas Bixiniyay Macallimiin Soomaaliyeed oo la siiyay qibrado ku aadan Difaac dalka.

Taliyaha Dugsiga Generaal Dhega-badan Generaal Maxamed Maxamuud Saneey ayaa sharxaad kooban ka bixiyay mar Xaladihii ay soo Mareen Mudadii Tababrka u socday.

“ Tababar aad iyo aad u fiican bey qaateen,waxaan aad iyo aad ugu mahad celineynaa macallimiintii tababartay iyo sida ay awaamiirta ay u qaateen,waxay ahaayeen 200,inta badan dipishiliin iyo Aqlaalq xumaa meesha looga ceyriyay,waxaan u rajeynayaa ciidanka DANAB iney ku guuleystaan hadafka ay leeyihiin una gutaan waajibkooda, Shabaabna meel walba ay joogaan ugu tagi doonaan,’’ Ayuu Yiri Generaal Maxamed Maxamuud saneey.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Janeraal C/laahi Cali Canood oo ka Hadlay Munaasabada ayaa Ku ammaaney macallimiintaTababrkaasi Bixiniyay sida ay u diyaariyaan Ciidamada kuwaaso ka qeyba qaadan doona Howlagalada dalka looga si feynayo maleeshiyaadka Al- Shabab.

Wuxuu sheegay Ciidanka hadda tababarka dhameystay ee DANAB iney yihiin cutubkii shanaad,wuxuuna ku ammaanay Ciidamada DANAB sida geesinimada leh ee Al-Shabaab ula dagaalamayaan ugana saareen deegaano badan oo dalka.

Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo soo xirey Tababarkan ayaa kula dardaarmey Cutubyadii qaatey Tababrka ee katirsan DANAB iney u diyaar-garowbaan Difaac Dalka.

“Waxaad ka mid noqoteen Ciidamada DANAB ee Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay ku faanto Bulshada Soomaaliyeed,waxaad ka mid noqoteen ciidamada DANAB oo ah ragga safka hore ugu jira sidii loo difaaci lahaa shacabka Soomaaliyeed loogana Difaaci lahaa Argagixisada gudaha” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan.

Waa Dufcadii 5-aad ee Ururka DANAB ee Ciidanka Xoogga Dalka oo Tababar ku qaata Dugsiga Janeraal Dhaga-Badan ee Maqaalada Muqdidho.

Hoos Ka Daawo Sawirada Ciidamada Tababarka loo soo xiray.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media