Abshir Cabdullaahi Axmed oo 21-kii Bishaan lagu dhextoogtay Saldhiga Degmada Hilwaa oo aan wali meydkiisa la’aasin ayaa Ehelada Marxuumkaa waxa ay sheegeen in Taliska Booliska uu qiil usameeynayo Askarigii dilkaas fuliyay iyo Taliyihii Amarka dilka ah bixiyay.
Waxa ay sheegeen in ay la kulmeyn taliyaha Booliska Gobolka Banaadir isla markaana uu ku wargeliyay in la xiray askarigii dilkaas geestay balse ay soo ogaadeyn in askari uusan xirneyn sida ehelada marxuumka ku doodayaan
Mahad C/llaahi Axmed oo la dhashay Allaha u naxariistee Marxuumka la dilay ayaa sheegay in aan wali la’aasin meyda lana aasi doonin ilaa cadaalada la horgeeyo Taliyihii amarka dilka ah bixiyay iyo askarigii fuliyay intaba.
Zeynab Axmed Cali oo waalid u ah Marxuumka ayaa sheegtay in mas’uuliyada ay ku dhaceyso Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
“waxan rabaa madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha iyaga ayaa wadanka ka masuul ah a iney dadkeena la laayo ayay noogu dhaarteen, anaga todobo sac oo ahbeenimo ayaan Magaalada wareegi jirnay cidna nama dili jirin dhaartoodii ma been bey aheyd aaway cadaaladii ayay tiri Maama Zeynab Axmed Caliâ€
Arintan ayaa muran badan ka dhalisay Heyadaha amniga waxaana wali socota dacwada ka dhanka ah askartaasi dilka lagu eedeynayo in kastoo 23-kii Bishan taliska Booliska uu amray in lasoo xiro askarigii dilka geestay haddane ehelada ayaan ku qancin talaabada ay qaadayaan sarakiisha Booliiska oo aaminsan in arinkaan ay ka gaabiyeen.
Hoos Ka Dhageyso Codadka