Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow dalka dib ugu soo laabtay kadib safaro shaqo uu ku kala bixiyay wadamada Jabuuti, Itoobiya iyo Uganda oo ciidamadooda joogaan Soomaaliya.
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in guulo ay ku soo dhamaadeen dhamaan safaradii dalalkaasi uu ku tagay waxaana uu sheegay in ay ka aqbaleen sidii ay Soomaaliya uga gacan siin lahaayeen dagaalka cusub oo lala galayo Al-Shabaab.
Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in marna Dowladda Soomaaliya aanay u dulqaadan doonin dhibka Shabaab ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed,isagoo muujiyaya sida dowladdu ay uga go’antahay in Al-Shabaab laga saaro guud ahaan Dalka.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa Madaxda Dalalka Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti kala hadlay sidii ay kaalin uga geysan lahaa daagalkaas.