Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Alper Aktaş.
Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga walaalnimo ee u dhexeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Turkiga.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Danjiraha la wadaaga tacsida muwaadin u dhashay dalka Turkiga oo isaga oo gargaar qeybinaya ay dileen Al-Shabaab, xilligaan lagu jiro tobankii dambe ee bisha barakeysan ee Ramadaan.
Dhankiisa, Danjire Alper Aktaş ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay la garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed ee walaalahood ah, isaga oo xusay in falkaas argagixiso uusan hakin doonin taageeradooda.