Maydadka 6 Muhaajiriin oo barafoobay ayaa laga helay Degmadda Baskale ee Gobalka Van ee Bariga Turkiga, kuna dhow Xuduudka dalka Iiraan.
Maydadkaasi oo la helay bishan May 3-dii ayaa lagu soo baraarugay, kadib, markii Nin Ari-jire ah uu maydka 1-aad ee Muhaajiriinta ka helay Deegaanka Gelenler oo u dhow Degmadda Baskale, kadibna waxa uu ku wargeliyey Ciiddanka Jendermariiga ee dalkaasi.
Baaritaan ay Ciiddankaasi sameeyeey ayaa waxay maydadka 5 nin oo Muhaajiriin ahaa ka heleen qeybo kala duwan oo ku yaalla deegaanka Sultaankayir.
Baaritaanadda hordhaca ee lagu sameeyey maydadka Muhaajiriintaasi oo dhamaantooda rag ahaa ayaa la sheegay inay u geeriyoodeen qabowga daran ee heerka barafowga ee Deegaanadaasi, xilli ay doonayeen inay ka soo gudbaan xuduudka Turkiga la wadaagaan dalka Iiraan.
Maydadka Muhaajiriinta waxaa loo gudbiyey Machadka baaritaanadda Maydadka ee The Van Institute of Forensic Medicine, si loogu sameeyo baaritaano dheeraad oo lagu ogaanayo sababaha ay u geeriyoodeen.
lama aqoonsanin dalalka ay ka so ojeedaan Muhaajiriintaasi ku geeriyootay meel ku dhow xuduudka Turkiga la wadaago dalka Iiraan.