Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Magaalada Dhuusamareeb kulan kulan qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug.
Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Maxamed Gacal Nuur ayaa waxaa uu ahaa mid is xog-wareysi ah ah oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee Galmudug iyo tan Baarlamaanka maamulkaas.
Qoraal uu soo saaray Guddoomiye Maxamed Gacal ayaa waxaa uu Madaxweyne Farmaajo uga mahaceliyay Amarkii Xukuumadda Federaalka uu siiyay ee ahaa inay gacan weyn ka geystaan dhismaha Hay’addaha Maamulka Galmudug.
“Waxaan Madaxweyne Farmaajo uga mahadcelinayaa Amarkii uu ku siiyey Xukuumadda Federaalka in ay gacan weyn ka geysato dhismaha iyo kobcinta Hay’adaha Curdanka ah ee Galmudug” ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Gacal.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Magaalada Dhusamareeb uga qeyb galay kulamo gaar gaarka ah oo ay yeesheen Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada ee dalka ka jira, iyadoo Shirkana xalay lasoo Gaba-gabeeyay.