Cabduweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa Maanta dib ugu  laabtay Magaalada Garoowe kadib markii xalay uu ku hoyday Jowhar kana qeyb galay Caleemo Saarkii Madaxweyaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare.
Gaas,ayaa isaga oo Warbaahinta kula hadlayay Garoowe kadib markii uu soo dhaweeyay Wafdi ka socda Dowladda federaalka Soomaaliya oo ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari Gudoomiyaasha Aqalka Sare iyo ku xigeenkiisa Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Abshir Bukhaari ayaa hadalkaas sheegay.
Cabduweli Gaas oo sidoo kale ah gudoomiyaha ay doorteen Madasha ay ku mideysan yihiin Madaxda dowlad Goboleedyada ayaa sheegay in ay aqbaleyn codsigii uu u soo gudbiyay Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in 28 bishaan ay ka soo qeyb galaan shir wadatashi ah kaas oo ka dhacaya Magaalada Muqdisho.
Hoos ka dhageyso Codka Madaxweyne Gaas.