-Lydia Wanyota oo ah Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ee Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia ayaa hadalkaasi ka sheegay Shir looga hadlayey Qorshaha sugidda Ammaanka ee Doorashooyinka Daban ee dhici doona Bilaha September iyo October ee sannadkan.
Waxay sheegtay in hal meel la isku keeno Ciiddanka loogu taalagalay sugida Ammaanka Doorashoioyinka, isla markaana la hubiyo inay si nabad ah ku dhacaan Doorashooyinka.
Dhinaca kale, Taliyaha Guud ee Ciiddanka AMISOM,Jeneral Osman Nuur Subagle ayaa sheegay In Kulanka diiradda lagu saaray Qorsheynta, U Diyaargarowga iyo Xiriirinta Dadaalka Ammaanka iyo Hawlgalladda looga horetagayo Weeraradda ay Alshabaab ka geystaan gudaha Somalia.
Dhinaca kale, Kulanka ay Saraakiisha AMISOM kaga tashanayaan Qorshaha Ammaanka ee Xilliga Doorashooyinka waxa uu socon doonaa muddo 4 maalmood, waxaana kulankaasi kala qeyb geli doonaa dhigooda Saraakiisha Ciiddanka Qaranka Somalia..
Doorashooyinka Dadban ee lagu soo dooran doono Madaxweynaha iyo Barlamaanka cusub ee Federalka Somalia ayaa la shaaciyey Xilliyadda la qaban doono.
Jadwalka Doorashooyinka waxaa lagu xusay in Doorashadda Barlamaanka Cusub la qaban doono Bisha September 24-da iyo October 10-da, halka Madaxweynaha la dooran doono Bisha October 30-da ee sannadkan.
©Radio Dalsan