Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya oo mudo dhowr maalmood ah dalka ka maqnaa ayaa la filayaa in uu Maanta dib ugu soo laabto Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa booqasho ku tegay Wadamada Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti uu hadda ku sugan yahay, kuwaas oo dhamaantood ay Ciidamo ka joogaan Gudaha Soomaaliya isla markaana ku howlgalla Magaca AMISOM.
Maalmihii uu ku sugnaa Wadamadaas ayuu Madaxda dalkaas waxa uu kala hadlay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo ay dowladda Soomaaliya qorsheysay.
Madaxweyne Farmaajo oo kulankii ugu dambeeyay la qaatay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in uu ku guuleestay waxyaabihii uu kala hadlay Madaxdii uu la kulmay ee la dagaalanka Al-Shabaab.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Farmaajo.