Guddonka Baarlamaanka Puntland oo lagu amaanay hal arrin

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawlad gobaleedja  Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibril oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada DPL Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa kulan la qaatay Daladda ay ku midaysanyihiin Ururada Bulshada Rayidka ah ee PUNSAA

Ururada Bulshada rayidka ee PUNSAA ayaa Guddoonka Golaha Wakiillada maamulka Puntland uga mahad-celiyey soo af-jaridda kala aragti duwanaanta maamul iyo shaqo ee u dhexeysay Madaxweynaha & Madaxweyne ku xigeenka Dawlad gobaleedja Puntland.

Sidoo kale, Guddoonka Golaha Wakiillada Puntland & Daladda ay ku midaysan yihiin Ururada Bulshada rayidka Puntland ee PUNSAA ayaa ka wada-hadlay xoojinta wada-shaqeynta Golaha Wakiillada DGPL & Ururada Bulshada rayidka ah.

Guddoonka Golaha Wakiillada Puntland ayaa uga mahadceliyey booqashada ay xarunta Golaha ku yimaadeen Ururada Bulshada Rayidka ah, waxayna balanqaadeen inay markasta soo dhaweynayaan talooyinkooda ku aadan maslaxadda dalka & dadka Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media