Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Baaqaasi jeediyey, kadib, qarixii weynaa ee shalay ka dhacay Hoteelo iyo goobo Ganacsi oo ku teedsan Isgoyska Zoope ee magaalladda Muqdisho.
Madaxweynuhu waxa uu Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay Gargaar Degdeg ah gaarsiiyaan dadkii ku dhaawacmay Qaraxaasi.
Guddoomiyaha Maamulak Gobalka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Taabid Cabdi Maxamed waxa uu qarixii shalay ku tilmaamay Masiibo, wuxuuna ka codsaday dhamaan Ummadda Soomaaliyeed inay gacan ka geystaan baadigoobka maydadka ku hoos xaniban Burburka Dhismayaasha uu qaraxu saameeyey.
Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan BFS oo dhaawac Fudud ka so ogaaray Qaraxaasi waxa uu Idaacadda VOA u sheegay inay in ka badan 100 qof ku geeriyootay Qaraxaasi, kuwaasi oo badankooda dad Rayid ahaa.
Waxa kale oo uu sheegay inay in ka badan 200-kale dhaawmeen, kuwaasi oo lagu daaweynayo Isbitaalladda ku yaalla Muqdisho.
Sidoo kale, Weriye C/qaadir Maxamed C/lle oo ka tirsan Idaacadda VOA-da ayaa isagana ku dhaawacmay Qaraxaasi, waxayna Xaaskiisa Samiir C/raxmaan Sheekh xaqiijisay inay dhaawacyo ka soo gaareen Luqunta, Madaxa iyo Gacanta Midig.
Si kastaba ha ahaatee, Qarixii shalay ayaa la sheegay inay inuu ahaa kii ugu dhimashada iyo dhaawaca badnaa ee ka dhaca magaalladda Muqdisho
 Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Soomaaliya