Weli waxaa la la’yahay dad aad u farabadan oo isugu jira Saxafiyiin iyo dad kale kuwaas oo xiligii uu Zoobe qaraxa ka dhacayay Goobta ku sugnaa, waxana jira badi goob haatan lagu hayo.
Baraha ay isticmaasho Bulshada Sida Facebook iyo Tweter ayaa lagu arkayaa Sawirrada dad geeriyooday iyo kuwo la la’yahay halka ay jaan iyo Cirin dhigeen.
Sidoo kale waxaa jira kuwa shalay ilaa xalay la weysnaa balse saakay laga soo saaray dhismooyinka Burbursan ee ku yaalla Isgoyska Zoobe.
Dadka qaraxaas ku dhintay ayaa waxa ka mid ah Afar Wiil oo walaalo ah kuwas oo goob Ganacsi ku lahaa Isgoyska Zoobe kuwaas oo halmar wada geeriyooday.
Musiibadii ka dhalatay qaraxii shalay ayaa waxaa ka mid ah Gabar Maanta dooneysay in ay ka qeybgasho Xafladii Qalin jebinteeda isla markaana Aabaheed uu safar dibadda ah uga imaanayay si uu Munaasabadda uga qeyb galo balse uu ka qeybgalayo Aaskeeda.
Tan iyo markii la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya waa qaarxii ugu weeynaa ee ka dhaca Muqdisho kaas oo geesta khasaaro nafeed iyo mid hantiyeed intaba.