Waxaa si kordhaya khasaarihii ka dhashay qaraxii shalay Gelinkii dambe ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho kaas oo la sheegay n uu geestay khasaaro aad u farabadan oo isugu jirta mid nafeed iyo mid hantiyeed intaba.
Saakay ayaa waxaa meydad horleh lga soo saaray Burburka dhismayaasha ku yaalla isgoyska Zoobe ee Magaalada muqdisho.
Dhanka kale Isbitaalada ku yaalla Muqdisho waxaa la dhigay tiro dhaawacyo ah, halka Meydad kale oo yaala Isbitaalada ay jiraan.
Sidoo kale Saakay waxaa Isgoyska Zoobe buux dhaafiyay boqolaal dadweyne ah oo ay Eheladooda ka maqan yihiin si uun nolol ama geeri mid ugu helaan.
Madaxda Qaranka ayaa qaraxaasi cambaareeyay, waxana sidoo kale jira walwal laga qabo in ay sii kororto khasaaraha ka dhashay qaraxaas