Maxkamadda sare ee dalka Maraykanka ayaa ku dhawaaqaday go’aan guul u ah madaxweyne Trump.
Maxkamadda sare ee maraykanka ayaa go’aan ku gaartay in uu sharci yahay go’aankii xayiraada dhinaca socdaalka ee uu madaxweyne Trump soo saaray.
Ammarka madaxweynaha Maraykanka ayaa saamaynaya dadka ka imanaya dalal 8 ah oo ay 6 ka mid ah muslimiintu u badanyihiin kuwaasi oo ay Soomaaliya ku jirto, waxaana ka mid ah dalalkaasi Chad, Iran, Libya, Kuuriyada Waqooyi, Syria,Venezuela, iyo Yemen.
Tani ayaa wax ay dhibaato ku tahay dad farabadan oo muslimiin ah oo ay Soomaaliya ku jirto kuwaas oo u halqan taagaya in ay galaan mareykanka