Hay’ad Madaxa Banaan ee ka Shaqeysa dhanka Xaquuqda Aadana deegaanada maamulka Soomaaliland aya waxa ay soo saartay tacadiyada ka dhanka ah xaquuqul Aadana ee Sanadkaan uu masuulka ka yahay Maamulka waqtigiisa sii dhamaanaya ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Gudoomiyaha Hay,ada Madaxa Banaan ee Xuquuqul insaanka Soomaaliland Guleed Axmed Jaamac ayaa sheegay in Madaxda talada Soomaaliland hada haya ee uu Siilanyo hogaamiyo ay masuul ka aheyd tacadi loo geystay dad Wariyayaal u badan iyo qeybaha kale ee bulshada.
.Waxa uu sidoo kale hadalkiisa intaas raaciyay in dhamaan tacadiyadaas ay geysteen intooda badan Ciidamada Maamulka Soomaaliland.
Gudoomiyaha Hay,ada Madaxa Banaan ee Xuquuqul insaanka Soomaaliland Guleed Axmed Jaamac ayaa ugu dambeyn ugu baaqay Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi inuu wax ka bedelo dhamaan caqabadaha ka taagan Soomaaliland uuna dhamaystiro Sharciyada qabyada ah ee Bulshadda.
Sikastaba Sanadkaan sii dhamaanaya ee 2017 ayaa deegaanada kala duwan ee Maamulka Soomaliland waxaa lagu xiray tiro wariyayaal iyo Siyaasiyiin haba ugu badnaatee xiliyadii lagu guda jiray ololihii doorashooyinka Soomaaliland ee uu ku soo baxay Muuse Biixi Cabdi.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Hay,ada Madaxa Banaan ee Xuquuqul insaanka Soomaaliland Guleed Axmed Jaamac.