Gelinkii dambe ee Khamiistii shalay Diyaaradaha dagaalka dalka Mareykanka wax ay duqeyn Diyaaradeed ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Baay iyaga oo beegsaday fariisin ay leeyihiin Ciidamada AL-Shabaab.War ka soo baxay howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxa lagu sheegay in howlgalkaas duqeynta ahaa lagu dilay tiro dagaalyahano Al-Shabaab in kastoo aan la helin cid xaqiijisay Warkaas.
Radio Dalsan Xaruntiisa Muqdisho ayaa xiriir la samayesay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya gaar ahaan Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdi Risaaq Cabdiraxmaan Cali, waxa uuna u faah faahiyay howlgallada socda
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka