Weli waxa uu khilaaf ka taagan yahay halkii lagu qaban lahaa kulanka Golaha Shacabka ee la filayo in la horgeeyo Mooshinkii laga gudbiyey gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa dhawaan sheegay in xarunta Golaha Shacabka ay la wareegeen ciidamo uu amray Ra’iisul Wasaare kheyre,isla markaana kulanka aan lagu qaban Karin.
Xildhibaanada mooshinka ka keenay Jawaari ayaa iyana wax ay sheegayaan in kulanka lagu qabanayo Xarunta ay baarlamanka ay ku shiraan ee golaha Shacabka.
Sidoo kale Xildhibaanada ka taagersan gudoomiye Jawaari ayaa iyana diidan in kulanka lagu qabto Xaunta Golaha Shacabka ilaa laga wareejiyo Ciidamada ay geysay xukumadda Soomaaliya.
Muranka ka dhashay mooshinka laga gudbiyay gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa curyaamiyey howlihii Hay’addaha dowladda sida,Gudiyada fulinta iyo Sharcidejinta.
Aqoon yahan Ceydaruus oo falanqeeya Arrimaha Siyaasada ayaa ka hadlaya xiisada ka dhalatay mooshinka laga keenay judoomiyaha Golaha Shacabka iyo halkii lagu qaban lahaa kulanka Golaha Shacabka.
Hoos Ka Dhageyso Codka Aqoonyahan Ceydaruus.