Kenya Oo Ku Dhawaaqay Qaab Cusub Oo Lagula Dagaalamayo Al-shabaab

Khuburada Amaanka dalka Kenya ayaa wakaalada Wararka Dalka Shiinaha ee Xinhua waxaa ay u sheegeen in beesha caalamka looga  baahan yahay in ay soo saaraan qorshe cusub oo lagula dagaalamayo Dagaalamayaasha Al-shabaab.

Waxaa ay sheegeen Khubarada Amaanka Kenya in Ciidamadda Dowladda Iyo Kuwa Amisom oo dagaal xoogan kula jiray Al-shabaab  Afartii sano ee ugu dambeesay in ay la wareegeen ciidamadda huwanta ah  deegaano istaraatiiji u ah Dagaalayaasha Al-shabaab.

Waxaa ay intaasi ku dareen in Wali ay jirto Awoodii Al-shabaab oo ay weerarayaan Xarumo muhiim u Ah Dowladda iyo Dowladaha Kale ee Dariska La ah Somalia.

Intii lagu guda jiray bishii barakeesneed ee Ramadaanka Dagaalamaasha Al-shabaab ayaa weeraray Gawaarida gaashaaman ee ciidamadda Midowga Africa Ee Amisom iyo Dad Rayid  ahaa kuwaas oo ku sugnaa Dalka Somalia, Waa Sida Ay Hadalka u dhigeen khuburada Amaanka Dalka Kenya.

Dhinaca kale waxaa ay tilmaameen in Ciidamadda AMISOM Iyo Kuwa Dowladda Oo Garab Ka helaya Diyaarada drons-ka  Mareekanka in ay weeraro ka geesteen koonfurta Somalia halkaas oo ay ku sugnaayeen Xarakadda Al-shabaab,Waxaana ay xuseen in weeraradaasi lagu dilay 72-Dagaalyahano oo katirsanaa Al-shabaab Waa Sida ay Hadalka U Dhigeen.

Fred Nyabera oo ah khabiir dhinaca Nabadda Iyo Amaanka ayaa tilmaamay in beesha caalamka looga baahan yahay in ay keenaan istaraatiijiyad cusub oo lagula dagaalamo Xarakadda.

“ Al-shabaab ma’ahan oo kaliya in looga awood badin karo qaabka hadda lagu wajahayo waa in lagala Dagaalamaa Dhinacyada  Caqiidada,Dhaqaalaha iyo dhaqank, islamarkaana shacabka iyo Hey’adaha Amaanka ay u midoobaan sidii looga  Adkaan lahaa” Sidaasi Waxaa Yiri Fred Nyaberi.

Hadalka Khuburada Dhinaca Amaanka Dalka Kenya ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa iyadoo Al-shabaab ay sheegteen Masuuliyadda Weerarkii Ismiidaaminta Ahaa Ee Galabkii Axadda  Lagu Qaaday  Hotelka Jazeera Ee Magaalada Muqdisho,Waxaana Weerarkaasi Ku Dhintay in ka badan 15-ruux oo uu ku Jiray diplomaasi u dhashay Dalka Shiinaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor