Qaraxaan ayaa la sheegay in uu ahaa Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay Koontoroolka Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Wadada aada Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde.
Gaariga oo ahaa nooca Soomaalidu u taqaano NOAH ayaa qarxay xili uu marayay koontoroolka ay Ciidamada Nabad-Sugida ku baaraan Gawaarida aada Garoonka Aadan-Cadde ee ah halka loo yaqaano biyo degeenka.
Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya ayaa waxa ay Dalsan u sheegen in qaraxaas uu ku geeriyooday kaliya qofkii waday oo isasoo miidaamiyey,balse warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in uu jiro khasaaro dhaawac ah oo uu geystay qaraxaas.
Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com